Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad dagaal oo ka aloosan Koonfurta Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa ku soo warramaya in halkaasi ay ka aloosantay xiisad u dhexaysa ciidanka Kumaandooska dowladda Federaalka Soomaaliya ee DANAB iyo malayshiya-beeleed hubaysan.

Malayshiya-beeleedka hubaysan oo wata gaadiidka dagaalka  ayaa saaka  isku gedaamay xarunta Ciidanka DANAB ay ku leeyihiin Koonfurta Gaalkacyo waxaana sida la sheegay ay dalbanayaan in si deg deg ah loo soo daayo Ganacsade u dhashay Beeshooda oo habeen ka hor ay xabsiga dhigeen Kumaandooska DANAB.

Labada dhinac oo haatan isku horfadhiya koonfurta Gaalkacyo ayaa laga cabsi qabaa in halkaas dagaal ku dhexmaro waxaana aga’gaarka la isku hor fadhiyo ka socda barakac ay samaynayaan dadka degaanka si aan loogu dul-dagaallamin.

Ciidanka dowladda Federaalka ee ku sugan koonfurta Gaalkacyo ayaa la sheegay in ay ku adkaysanayan in aysan sii dayn doonin Ganacsadaha xiran islamarkaana ay ku hanjabeen in ay tallaabo ka qaadayaan malayshiyaadka hor fadhiya haddii aysan dib u laaban.

PUNTLAND POST

The post Xiisad dagaal oo ka aloosan Koonfurta Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this