Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga,Kuwait,UAE,Qatar,Bahrain,Malaysiya,Turkey, Jordan,Egypt,Indonesia & Dalal kale oo shaaciyey inay ciidayaan Axadda 24-ka May 2020

Recommended Posts

Deeq A.   

Sacuudiga,Kuwait,UAE,Qatar,Malaysiya,Turkey, Bahrain,Jordan,Egypt,Indonesia,Libya.lubnaan,Suuriya & Dalal kale oo muslimiina oo shaaciyey inay ciidayaan Axadda 24-ka May 2020

 eid-300x180.jpg

Mas’uuliyiinta Sacuudiga,Kuwait,UAE,Qatar,Malaysiya,Bahrain,Turkey, Jordan,Egypt,Indonesia Libya,lubnaan,suuriya & dalal kale oo Islaami ah ayaa ku dhowaaqay in Axadda ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fitriga.

Dalka Sacuudiga, dadaal dheer oo loo galay in bisha Shawaal la arko caawa ayaan la guuleysan, waxaana mas’uuliyiintu sheegeen in 30-ka Ramadan la dhameystirayo maalinta Sabtida ah.

Sidoo kale, xarumaha Saadaasha Hawada ee dalalka Indonesia iyo Malaysia ayaa si rasmi ah u sheegay inaysan helin bisha taas oo macnaheedu yahay in Axadda ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fitriga.

Sidoo kale, warbixino laga helay Turkiga ayaa sheegaya inaan bisha laga arag, islamarkaana lagu dhowaaqay in maalinta koowaad ee Ciidda ay tahay Axadda, 24-ka May.

Guddiga Aragga Bisha ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dalka Qatar ayaa Iyana sheegay in Axadda ay tahay maalinta koowaad ee Ciidda, kadib markii caawa la waayey bisha.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this