Sign in to follow this  
Deeq A.

Siciid Deni oo shaaciyey tuhun ay ka qabaan in la adeegsado Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo wareysi gaar ah siiyey laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa ka hadlay xaaladaha ammaan ee maamulkaasi, gaar ahaan weeraradii ugu dambeeyey ee ka kala dhacay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe.

Deni ayaa wareysiga lala yeeshay si gaar ah uga hadlay weeraradii lagu dilay gudoomiyeyaashii gobollada Nugaal iyo Mudug, wuxuuna tilmaamay inay qabaan tuhun ku aadan in Al-Shabaab ay adeegsanayaan gacmo kale oo leh dano gaar ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay haatan wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdooyinkaasi, islamarkaana ay dhowaan shaacin doonaan natiijada.

Madaxweynaha Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa tusaale u soo qaatay warar ay horay u qoreen qaar ka mid ah warbaahinta caalamka ee loolanka dalalka Carabta qaarkood ay ku jiraan Soomaaliya in ay qeyb ka noqon karto adeegsiga Al-Shabaab.

“Tuhun badan ayaa qabnaa oo ku aadan in Al-Shabaab ay noqdeen gacmo la iska adeegsado,gacmo kale iyo dano ayaa loo adeegsanaya sidda horay Jariidaha Caalamka u sheegeen in Muddo ka yar labo bilood la beegsado labo Gudoomiye gobol oo Puntland ah tuhun ayaan ka qabnaa baaritaanana waan wadnaa” ayuu yiri Madaxweyne Siciid Deni.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari ay kordhisay weerarada ay ka fuliso maamulkaasi, waxaana weerarkii ugu dambeeyey oo lagu dilay guddoomiyihii gobolka Mudug, Axmed Muuse Nuur uu ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this