Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo ku dhowaaqday in berri ay tahay ciid

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) –  Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa goor dhow shaacisay in Sabtida 23-ka May ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fitri, kadib markii la xaqiijiyey in bisha laga arkay Soomaaliya

Wasiirka Awqaafta iyo Arirmaha Diinta Sheekh Nuur Maxamed Xuseen, oo ay wehliyaan culumo uu ka yimid Sheekh Cali Wajiis, ayaa warbaahinta dowladda ka sheegay in deegaano badan oo ka mid ah koonfurta Soomaaliya laga arkay bisha.

Waxay sheegeen in ugu yaraan 8 qof la dhaariyey islamarkaana ay xaqiijiyeen inay bisha arkeen, ayaga oo jooga deegaano kala duwan.

Sidoo kale, ra’iisul wasaraaha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Soomaalida ugu hambalyeeyey ciidda, isaga oo muuqaal soo dhigay warbaahinta dowladda.

Go’aanka dowladda ayaa yimid saacado kadib markii ay shaacisay in bisha la waayey sidaas darteedna ay ciidda tahay Axad, hase yeeshee waxaa kadib aad isu soo taray warka ah in bisha laga arkay meelo badan.

Ku dhowaaqisay aragtida bisha ayaa waxaa ku horreeyey maamulka Jubaland iyo Al-Shabaab oo si kala gooni gooni ah u shaaciyey in bisha laga arkay deegaano badan, sidaas darteedna ay ciidu tahay Sabti.

Bahda Caasimada Online oo isku duuban waxay idin leeyihiin ciid wanaagsan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this