Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo shaacisay maalinta ay tahay Ciida

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in maalinta kowaad ee Ciidul Fidriga ay tahay maalinta Axadda ah oo taariikhdu ay tahay 24-ka May 2020.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ku sheegay in la dhameysanayo 30-ka Bisha Ramaadan, sidaas dateed aysan berri oo Sabti ahayn Ciid.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed la wadaagaynaa xaqiijin qotodheer ka dib in berri oo Sabti ah aanay ahayn Ciid, sidaas darteed waxaa la dhamaystirayaa Bisha Ramadaan” ayuu wasiirka ku yiri qoraalkiisa.

Sidoo kale dalal kale badan oo muslim ah oo ka mid yahay Sucuudiga, Turkiga iyo Qadar ayaa shaaciyay in berri oo Sabti ah la dhameystirayo 30-ka Bisha Ramadan, Ciiduna ay tahay maalinta Axadda.

Dhammaan dunida islaamka ayaa maalinta Axadda ah si khilaaf la’aan ah looga wada Ciidi doonaa.

PUNTLAND POST


The post Soomaaliya oo shaacisay maalinta ay tahay Ciida appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this