Deeq A. Posted May 22, 2020 Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya, Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa shaaciyey in maalinta beri ah la dhameystirayo 30-ka bisha Ramadaan, islamarkaana maalinta koowaad Ciida ay tahay Axada oo ku beegan 24-ka bisha May ee 2020-ka Qoraal kooban oo uu wasiirku soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa waxa uu ku sheegay in xaqiijin qoto-dheer kadib la waayey bisha Shawaal. “Waxaan shacabka Soomaaliyeed la wadaagaynaa xaqiijin qotodheer ka dib in berri oo Sabti ah aanay ahayn Ciid; sidaas darteed waxaa la dhamaystirayaa Bisha Ramadaan.” ayuu qoraalkiisa ku yiri Sheekh Nuur Maxamed Xasan Sidoo kale dalalka Sacuudiga, Turkiga, Qatar, Indonesia iyo Malaysia ayaa iyana ku dhawaaqay inay beri Soon tahay, islamarkaana la Ciidayo maalinta Axada ee soo socota View the full article Share this post Link to post Share on other sites