Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaar kamid ah Golaha Wasiirada Puntland oo xilalkii laga qaaday iyo kuwo cusub oo la magacaabay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa qaar kamid ah Golaha wasiirada xilalkii ka qaaday, sidoo kale magacaabay kuwo cusub.

Wasiirada xilalkoodii waayay waxaa kamid ah, Wasiirkii Warfaafinta Cali Xasan Sabarey iyo Wasiir ku xigeenkii Maaliyadda Cumar Xasan Cumar(Fiqi) oo labadooduba ka soo jeeda gobolka Sool, waxaana lagu badeelay siyaasiyiin hore xilal wasiiro uga soo qabtay Puntland.

1. Waxaa Eng. Cabdullahi Cali Xirsi (Timacade) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo dalxiiska

2. Waxaa Eng. Maxamuud Xaaji Saalax loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda

3. Waxaa Cabdi Ibrahim Warsame (Qawdhan) loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda.

4. Waxaa Ismaacil Saleeban Geelle loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta

5. Waxaa Axmed Siciid Ismaciil (Qolombe) loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Biyaha, Tamarta iyo Macdanta

6. Waxaa Saynab Ismaciil Maxamed loo magacaabay Wasiir ku-Xigeenka Wasaaradda Deeganka, Beeraha iyo Isbadalka Cimiladda

7. Waxaa Maxamed Axmed Xasan loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqalaha, Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha

8. Waxaa Maxamed Axmed Ismacil (Deero Dile) loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Xirirka Caalamiga ah iyo Horumarinta Dhaqalaha.

PUNTLAND POST

The post Qaar kamid ah Golaha Wasiirada Puntland oo xilalkii laga qaaday iyo kuwo cusub oo la magacaabay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this