Sign in to follow this  
Deeq A.

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa ku baaqay in la dhagaysto baaq ay dhallinyarada

Recommended Posts

Deeq A.   

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa ku baaqay in la dhagaysto baaq ay dhallinyaroa)- boqol ka badani toddobaadkan soo saareen.

Prof. Samatar ayaa farriin email ah oo uu u diray dad tiro badan oo uu sidoo kale raaciyay muuqaalka dhallinyaradaas baaqa dirtay, oo uu ku qoray luuqadda Ingiriisida, ayaa wuxuu ku yidhi “Maalinta xus u gaarka ahi waxa ay ka mid tahay xilliyada ugu haboon ee la sameeyo dabaal-deg iyo is-naqdin caqli ku dhisan oo lagu qiimeeyo wixii tegay, joogtada iyo mustaqbalka. Waxa ay tani muhiim u sii tahay bulshada si dhab ah uga walaacsan xaaladda baraaruga shacab iyo sida ay u hawlgalaan hay’adaha dhexe.

Kuwani waa qaar ka mid ah codadka yididiilada leh ee dhalinyarada Somaliland. Waxaan u arkaa inay qiimo badan leedahay in la dhegaysto oo si maangal ah looga fekero walaaca ay qabaan.”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this