Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha ammaanka ee QM oo walaac ka muujiyey xaaladda gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa khudbadda uu ka dhageystay ergayga UN-ka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Amb. James Swan iyo ergeyga Midowga Africa Francisco Madeira horumarka laga sameeyey ansixinta sharciga doorashooyinka iyo hawlgalladii ciidanka ee Shabeelaha Hoose iyo qabsashada magaalada Jannaale.

Xubnaha golaha ammaanka oo markaasi kadib mid-mid u hadlay ayaa soo dhoweeyey horumarradaasi.

Dhinaca kale waxay golaha ammaanku ugu baaqeen madaxda dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada inay wada hadlaan.

Dawladda Maraykanka sarkaalka u hadlay ayaa ugu baaqday Madaxweyne Farmaajo inuu qabto kulanka golaha amniga qaranka oo ay ku wada jiraan madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Sidoo kale xubno ka mid ah golaha ammaanku oo ka hadlay madasha ayaa sheegay  inay ka walaacsan yihiin in ciidamada amniga meelaha qaarkood sida Gedo loo isticmaalo “xafiiltan siyaasadeed”.

Ergayga Qaramada Midoobay James Swan iyo madaxda kale ee hadashay waxay sidoo kale soo dhoweeyeen kulankii Addis Ababa ku dhexmaray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this