Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada ammaanka oo Howlgallo ballaaran ka sameeyey Baraawe

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha maamulka degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha, Cumar Sheekh Cabdi oo wareysi siiyey Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyey howlgallo ammaanka lagu sugayey oo ciidamada dowladda ay ka sameeyeen gudaha iyo duleedka magaaladaasi.

Cumar Sheekh Cabdi ayaa sheegay in baaritaanadaasi ay ahaayeen kuwo lagu xaqiijinayo nabad-gelyada, islamarkaana haatan amniga degmada uu yahay mid wanaagsan.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaallo xeebeedka Baraawe inay la shaqeeyaan ciidanka amniga, si looga hortago falalka ammaan darida ah.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/ho.mp3

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this