Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo ku hanjabtay iney ICJ geyn doonto kiis ictiraaf raadin ah.

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimadda Online) Xukuumadda iskeed isku magacowday ee Somaliland ayaa ku hanjabtay iney kiiska ictiraaf raadinta geyn doonto maxkamadda caalamiga ah ee ICJ iyadoo madaxweyne Muuse Biixi uu meel fagaare ah ka sheegay hadalkaan.

Mr. Biixi wuxuu shacabka u sheegay iney tallaabadaas qaadi doonaan hadii aan xal waara laga gaarin wadahadalada u dhaxeeya iyaga iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Sanadkii 1991 ayey Somaliland sheegatay iney ka go’day Soomaaliya inteeda kale, waxeyna wali ku raad joogaan iney helaan madax banaani gaar ah iyo in dunidu u aqoonsato dal aan ka mid aheyn Somaliya.

Muuse Biixi aaminsan yahay in Somaliland iyo Soomaaliya ay kaliya ka wadahadli karaan daris wanaagga iyo danaha labada dal, wuxuuna meesha ka saarayaa wadahadal ay Somaliland dib ula midowdo Somaliya inteeda kale.

Dhawaan ayey aheyd markii Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed uu Adis Ababa isugu keenay madaxda labada dal, balse tan iyo markaas wax natiijo ah oo laga gaaray ama la sheegay ma jiraan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this