Sign in to follow this  
Deeq A.

Hargeysa: Cilad Soo Food Saartay Mashiinkii Lagu Baadhayey Caabuqa COVID 19

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Labadii maalmood ee la soo dhaafay waxa guud ahaan shaqadii joojiyey mashiinka lagu baadhayey dadka looga shakiyey caabuqa Covid 19.

Masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka iyo guddiga ka hortaga xanuunka Karoona Feerays ayaan faahfaahin ka bixinta shaqo joojinta mashiinkan.

Saraakiil ka mida kuwa gacanta ku haya baadhitaanka iyo ku shaqaynta mashiinkan oo aanu la xidhiidhnay ayaa noo sheegay in ugu yaraan laba maalmood aan la samayn wax baadhitaan ah. Iyada oo maanta guddiga sheegtay in aanay jirin cid laga helay caabuq Covid19.

Qalabka mashiinka ka xumaaday ayaa loo doonay wadanka Kenya, sida ay nala wadaageen shaqaalaha caafimaad ee arrinta ku hawlan. Lama oga inta ayaamood ee uu qaadan doonto dib u kicinta mashiinkan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this