Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo diiwaan-gelisay kiisas cusub oo cudurka Covid-19 ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa shaacisay natiijada dad looga shakisnaa cudurka Coronavirus, kuwaas oo wasaaraddu sheegtay in qaarkood laga helay xanuunka.

Qoraal ka soo baxay guddiga wacyi-gelinta iyo xakameynta cudurka Coronavirus u qaabilsan dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in la baaray 35 qof, balse cudurka laga helay 7 ruux oo kala ah 6 rag ah iyo hal dumar ah.

Guddiga ayaa sidoo kale shaaciyey in dadka laga helay cudurka COVID 19 ay kala joogaan gobollada Nugaal, Karkaar iyo Bari, islamarkaana haatan la karantiilay dadkaasi.

Ugu dambeyn guddiga ayaa tilmaamay in tirada guud ee xaaladaha COVID-19 Puntland laga diiwaan-geliyey ay tahay illaa 170 qof,  halka 5 qof ay u geeriyoodeen xanuunka.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this