Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga ka hortagga Covid-19 oo yeeshay kulan xasaasi ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulanka ay yeesheen guddiga qaran ee ka hortaga cudurka Covid-19 oo ahaa qaab muuqaal mareegta Internet-ka ah ayaa waxaa diirada lagu saaray qiimeynta  guud ee lagu sameeyay saameynta uu dalka ku reebi karo safmarka Covid19, maadaama uu billowday hoos u dhaca heerka faafitaankiisa.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka jogtada ah ee guddiga Qaran ee xakameynta COVID19, kaas oo looga hadlo arrimo dhowr ah.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare  Khayre ayaa guddiga ka hortagga faray dar dargelinta howlaha looga hortagayo faafitaanka dalka ee cudurka Coronavirus iyo fatahaadaha ka jira meelo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa la dareemayay inuu bilaawday hoos u dhac ku imaanaya tirade dadka uu soo rito cudurka gaar ahaan gobolka Banaadir waxaana wali jira dadaalo lagu xakameynaya halista uu leeyahay covid-19 iyadoo guud ahaan dalka lasyka kaashanayo sidii dalka looga ciribtiri lahaa.

Guud ahaan tirada uu soo ritay cudurkaan Karoona ayaa gaartay 1,594 halka 204 ay ka bogsoodeen markii lala tacaalay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this