Deeq A. Posted May 22, 2020 Kulanka ay yeesheen guddiga qaran ee ka hortaga cudurka Covid-19 oo ahaa qaab muuqaal mareegta Internet-ka ah ayaa waxaa diirada lagu saaray qiimeynta guud ee lagu sameeyay saameynta uu dalka ku reebi karo safmarka Covid19, maadaama uu billowday hoos u dhaca heerka faafitaankiisa. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka jogtada ah ee guddiga Qaran ee xakameynta COVID19, kaas oo looga hadlo arrimo dhowr ah. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa guddiga ka hortagga faray dar dargelinta howlaha looga hortagayo faafitaanka dalka ee cudurka Coronavirus iyo fatahaadaha ka jira meelo ka mid ah dalka Soomaaliya. Maalmihii la soo dhaafay waxaa la dareemayay inuu bilaawday hoos u dhac ku imaanaya tirade dadka uu soo rito cudurka gaar ahaan gobolka Banaadir waxaana wali jira dadaalo lagu xakameynaya halista uu leeyahay covid-19 iyadoo guud ahaan dalka lasyka kaashanayo sidii dalka looga ciribtiri lahaa. Guud ahaan tirada uu soo ritay cudurkaan Karoona ayaa gaartay 1,594 halka 204 ay ka bogsoodeen markii lala tacaalay. View the full article Share this post Link to post Share on other sites