Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka ganacsiga oo ka hadlay saameynta cudurka Corona Virus ee dhaqaalaha dalka: Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
Muqdisho (Caasimada Online)-Shir-jaraa’id oo wasiirka ganacsiga iyo warshadaha DF Somalia Eng. C/llaahi Cali Xasan maanta ku qabtay Muqdisho, ayuu kaga hadlay war-bixin ay Wasaaraddiisa ka soo-saartay saameynta cudurka COVID-19 uu ku yeeshay ganacsiga iyo dhaqaalaha wadanka. Isagoo sheegay in cudurkani, uu u si aada u saameeyey guud ahaan ganacsiga, wax-soo-saarka iyo warshadeynta dalka.
War-bixintu, waxay si aada u taabanaysaa isbeddelka dhinaca qiimaha maciishadda, xaaladda shirkadaha, warshadeynta iyo wax-soo-saarka wadanka. Waxaana ay war-bixintu muujinaysaa in hoos-u-dhac ku yimid qiimaha badeecadihii ay Xukuumaddu u sameysay cashuur-dhaafka ee ay ka midka ahaayeen Bariiska, Timirta, Burka iyo Saliida, halka khudaarta iyo waxyaabaha kale ee lagu nadiifsado na ay qeybo ka mid ah kor-u-kaceen. wasa.jpg wasaa.jpg43fb5f87-a568-4898-a361-9da8719ea48d.jpgf257d408-2871-4536-b66a-6d4d856015a8.jpgb1c1cf93-a825-4d23-997e-6af6770464cd.jpg 341ff2f7-8e4b-41a4-b2ec-8a761b718110.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this