Deeq A. Posted May 21, 2020 Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa maalmaha soo socda ku wajahan waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka. U jeedka socdaalka Den oo ay wehlinayaan xubno ka mid ah golhihiisa wasiirada ayaa waxaa lagu sheegay inuu la xariiro dhameystirka dadaallada nabadeed ee G/Mudug. Sidoo kale Siciid Deni ayaa kulamo la qaadan doono saraakiisha ammaanka, maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo, si loo dardar-geliyo amniga magaaladaasi. Todobaadkan gudihiisa ayey aheyd markii qarax is-miidaamin ahaa lagu dilay guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland Allaha U naxariistee, Axmed Muuse Nuur. View the full article Share this post Link to post Share on other sites