Deeq A. Posted May 21, 2020 Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage oo weli ku sugan Dhuusamareeb ayaa kulamo ka wada gudaha magaaladaasi. Kulamada oo ah kuwa xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay amniga Galmudug, iyadoona ay ka qeyb-galeen sarkiil ka tirsan qeybta 21-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa kulamadan lagu soo qaaday, sidii loo xoojin lahaa howlgallada iyo dhaq dhaqaaqyada milatari ee ka socda gobollada Gagaduud iyo Mudug. Odawaa oo madasha ka hadlay ayaa ku amaanay ciidamada Xoogga, sida ay uga qeyb-qaateen ka hortagga colaad beeleedyo ka ka jiray deegaano ka tirsan gobolladaasi. Galmudug ayaa waxaa dhowaan la filayaa inay ka bilowdaan howlgallo milatari oo qorshuhu yahay in Al-Shabaab looga saaro deegaanada ay ka heystaan maamulkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites