Deeq A. Posted May 21, 2020 Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa shaacsisay natiijada dad looga shakisnaa cudurka Coronavirus, kuwaas oo wasaaradu sheegtay in qaarkood laga helay xanuunka. Qoraal ka soo baxay guddiga wacyi-gelinta iyo xakameynta Covid-19 u qaabilsan Puntland ayaa lagu sheegay in la baaray 24 qof, balse cudurka laga helay lix ka mid ah dadkaasi. Sidoo kale qoraalka guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in dadkaasi ay kala joogaan gobolada Nugaal, Mudug iyo Bari ee maamulkaasi, Tirada guud xaaladaha COVID-19 ee Puntland laga diiwaan geliyay ayaa noqoneysa illa 161 qof, halka 5 ruux ay ugeeriyoodeen xanuunka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites