Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: DENI oo ku biiray URUR siyaasadeed cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah si rasmi ah ugu biiray urur siyaasadeed cusub oo looga dhowaaqay Puntland.

Deni ayaa iska diiwaan-geliyey urur siyaasadeedka Kaah, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha ayaa xarunta ururka waxaa kusoo dhoweeyay guddoonka Ku meel gaarka ah ee Ururka iyo Xubnaha Ururka qaar ka mid ah, wuxuuna kadib u gudbey qeybta diiwaangelinta, halkaasi oo uu Madaxweynuhu si rasmi ah isu diiwaangeliyay maanta xubinimada Urur Siyaasadeedka Kaah.

Sida lagu sheegay warka kasoo baxay madaxtooyada Puntland, tallaabada uu Deni uu qaaday ayaa qeyb ka ah hirgelinta nidaamka xisbiyada badan ee Puntland, taasi oo ka mid ahayd qorsheyaasha iyo siyaasadda Madaxweyne Deni.

Xukuumadda Puntland ayaa 7 bil gudahood kusoo dhistay Guddiga Doorashooyinka ku-meel gaarka ah oo wakhti yar shaqooyin muuqda ku qabtay, Iyadoo ay is diiwaangeliyeen 17 urur siyaasadeed.

1P8A0049.jpg 1P8A0089.jpg 1P8A0090.jpg 1P8A0101.jpg 1P8A0156.jpg 1P8A0169.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this