Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo iska diiwaan-geliyay urur siyaasadeedka dowladda ee Kaah

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Khamiis ah si rasmi ah isaga diiwaangeliyey urur Siyaasadeedka dowladda ee Kaah.

Madaxweynaha ayaa xarunta ururka waxaa kusoo dhoweeyay Guddoonka Ku meel gaarka ah ee Ururka iyo Xubnaha Ururka qaar ka mid ah, Wuxuuna kadib u gudbey qeybta diiwaangelinta, halkaasi oo uu Madaxweynuhu si rasmi ah isu diiwaangeliyay maanta xubinimada Urur Siyaasadeedka Kaah.

Hirgelinta nidaamka xisbiyada badan ee Puntland waxaa uu ka mid ahaa qorsheyaasha Iyo Siyaasadda Madaxweyne Deni, waxaana ay dowladdu muddo 7bilood ah kusoo dhistay Guddiga Doorashooyinka Ku meel gaarka ah oo wakhti yar shaqooyin muuqda ku qabtay, Iyadoo ay is diiwaangeliyeen 17 urur siyaasadeed.

1a.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 2-5.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 3-4.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 4-4.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo iska diiwaan-geliyay urur siyaasadeedka dowladda ee Kaah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this