Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashada BF oo muddo todobaad ah loo qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Kadib kulan warbixin looga dhageystay guddiga wadajirka ah ee labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ee loo xil saaray dhameystirka hab-raacyada doorashooyinka qaranka ayaa lagu sheegay in shaqadii loo idmaday inta ugu badan ay u qabsoontay guddigaasi, islamarkaana inta dhimmana dhowaan ay ka soo wareegi doonto dhankooda.

Guddoomiyaha guddigaas, Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow oo warbaahinta  la hadlay ayaa sheegay  in qabyo qoraalkii u dambeeyay hadda ay gacanta ku hayaan, islamarkaana ay dhowaan guddoonka ku soo wareejin doonaan hab-raacyo dhameystira sharciga doorashooyinka qaranka.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan guddoomiyaha golaha shacabka ayaa guddigan ku amaanay shaqadii ay soo qabteen, isagoo intaas ku daray in dalka uu doorashooyin galayo, islamarkaana guddiga looga fadhiyo in ay shaqadooda ku idleeyaan muddo todobaad ku siman.

Dhankiisa guddoomiyaha golaha aqalka sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa ku  amaanay guddigan shaqadii ay soo qabteen.

Guddigan wadajirka ayaa guddoonka baarlamaanka waxaa ay u xil saareen in ay soo dhiraan-dhiriyaan hab-raacyo afar ah oo uu tilmaamayo sharciga doorashooyinka qaranka, sida koontada haweenka ee baarlamaanka sida deegaanada loo qeybinayo kuraasta xubnaha baarlamaanka waxa laga yeelayo magaalada Muqdisho iyo sida loo dooran doono xubnaha baarlamaanka ee ka soo jeeda gobollada waqooyi ama Somaliland.

Sida uu qorshuhu yahay 27 bishan March, waxaa baarlamanka hor imaan doono guddigga doorashooyinka qaran, si ay u soo bandhigaan nooca doorasho ee dalka galayo iyo qaabka loo qaban doono.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this