Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oolaga dalbaday in uu caddeeyo xaqiiqada ku qarsoon kiiska badda

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ahna haatana sheegay in uu sharraxanyahay madaxtinimada dalka ayaa si kulul uga hadlay Dacwadda Muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya u dhaxeeya ee Saddexda jeer Maxkamadda ICJ ay dib u dhigtay qaadista kiiskaas.

Qoraal dheer oo uu soo saaray Amb. Daahir Maxamuud Geelle ayuu ku caddeeyey in dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo aysan jirin wax tallaabo ah oo ay u qaaday arrimaha la xiriira kiiska dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladdu waxay caayeysaa garaadka dadkeenna. 3 jeer ayaa dib loo dhigay dacwadda baddeenna ay Kenya nagu haysato.Si kale haddii loo dhigo, ma jirto hal tallaabo oo horay loo qaaday oo arrintaas la xiriirta tan iyo intii ay dowladda jirtaahi talada qabatay.” Ayuu yiri Amb Daahir.

Madaxweyne Farmaajo ayuu ugu baaqay in uu Shacabka Soomaaliyeed u caddeeyo xaqiiqda qaddiyadda badda maadaama Saddexda jeer la tixgeliyay Codsiga Kenya ee dib u dhigista dhegaysiga Kiiska dacwadda labada dhinac.

Shacabka Soomaaliyeed waa ka garaad badan yahay in loo been guuro oo hadba loo sheego sheeko darfo go’an. Dadka Soomaaliyeed waxay kaa filayaan dhiirranaan iyo daahfurnaan intaan ka badan iyo in aad u caddeyso xaqiiqda qaddiyadda badda.” Ayuu sii raaciyay.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oolaga dalbaday in uu caddeeyo xaqiiqada ku qarsoon kiiska badda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this