Sign in to follow this  
Deeq A.

Xeer ilaaliyaha qaranka oo ka hadlay musuq-maasuq la sheegay inuu ka dhacay mashruuca Baxnaano

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xeer ilaaliya Qaranka Dr. Suleeymaan Maxamed Maxamuud ayaa ka hadlay musuq-maasuq la sheegay inuu ka dhacay Mashruucii uu dhawaan furay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee loogu magac daray (Baxnaano), kaasi oo uu Bankiga Adduunka.

Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku beeniyey warbixin ay qoreen warbaahinta qaar oo lagu sheegay in la masuq-maasuqay mashruucaan oo ay ku baxayso lacag dhan 4 Malyan oo Dollar bishiiba.

Dr. Suleymaan ayaa ugu hanjabay inuu sharciga la tiigsan doono cid kasta oo ka dambeysay in la faafiyo waxa uu ugu yeeray been abuur ka dhan ah Mashruuca Baxnaano.

Mashruuca Baxnaano ayaa waxaa iska kaashanayo hay’adaha UNIFEC, WHO iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya, waxaana la bilaabay wajigiisa koowaad.

Halkaan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxday xafiiska xeer ilaalinta

WhatsApp-Image-2020-05-20-at-7.55.26-PM.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this