Sign in to follow this  
Deeq A.

Bashar Al Assad Oo Amray In Lala Wareego Hantida Ninka Ugu Taajirsan Suuriya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Dimishiq)-Dowlada Suuriya ayaa xayiraad saartay dhamaan Hantida uu leeyahay ninka ugu taajirsan Suuriya oo lagu magacaabo Rami Makhlouf oo uu dhalay Madaxweynaha dalkaasi Bashar Al Assad abtigii.

Rami Makhlouf ayaa ah mulkiilaha Shirkada Telefonada Suuriya ee SyriaTel, waxaana hantidiisa lagu qiyaasaa $5 Bilyan oo dollar, waana ganacsadihii ugu weynaa ee maalgelinayey ciidamada Bashar Al Assad.

Amar kasoo baxay Wasaarada Maaliyada ee Siiriya ayaa lagu sheegay in la xayiray dhamaan hantida ninkan, xaaskiisa iyo caruurtiisa.

Rami-Makhlouf-2-1-1024x538.jpgCaruurta Maalqabeenkan ayaa ku nool magaalada Dubai

Wasaarada Maaliyada ayaa ku dooday in dowlada ay lacago gaadhaya 77 Milyan oo dollar ku leedahay shirkadiisa SyriaTel.

Rami Makhlouf oo hadda ku xidhan gurigiisa ayaa ku dooday in dowlada dooneyso inay ka dhacdo ama kala wareegto hantidiisa gaar ahaan shirkada Telefonada.

Rami-Makhlouf-3-1024x576.jpg

Wuxuuna filim uu soo dhigay bartiisa Facebook kaga codsaday inuu arrintan joojiyo Madaxweynaha Bashar Al Assad oo ay dhashay eedadiis Anisa Makhlouf.

Ganacsade Rami Makhlouf ayaa kamid ahaa ragga ugu awooda badan dalkaasi ayaa hadda khatar ku jira, waxaana muuqata in dagaal hoose uu ka dhex curtay Tujaarta udub-dhexaadka u ahayd xukuumada Talada heysa iyo Qoyska reer Asad.

Rami-Makhlouf-4-1024x576.jpg

Bashar Al Assad ayaa doonaya inuu helo lacago badan uu isaga bixiyo daynmo la sheegay inuu ku leeyahay Vladimir Putinka xukuma Ruushka.

Dowlada Maraykanka iyo Midowga Yurub ayaa hore cunaqabateyn u saaray Ganacasade Rami Makhlouf oo ay ku eedeeyeen inuu si weyn ugu lug lahaa dagaalka ka socda Suuriya, uuna kamid yahay xubnaha dhaqaalaha badan ku taageeray Bashar Al Assad.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this