Sign in to follow this  
Deeq A.

Hub Mareykanku Ka Iibinayo Taiwan Oo Ka Cadheysiiyey Shiinaha

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Dowladda Mareykanka ayaa Congress-ka ku wargelisay suurta-galnimada inay Taiwan ka iibineyso gantaallada biyaha hoostooda ku safra oo ku kacaya 180 milyan oo dollar, taasi oo sii xumeyneysa xidhiidhka Washington iyo Beijing.

Dowladda Mareykanka, si la mid ah inta badan dalalka caalamka, wax xidhiidh diblomaasiyadeed oo rasmi ah lama lahan Taiwan, hase yeeshee waxaa jira sharci ku qasbaya inay ka iibeyso hub ay isku difaacdo.

Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa ansixisay iibka gantaallada 18 MK-48 Mod6 ee maraakiibta badda laga rido oo casri ah, kuwaas oo ku kacaya 180 milyan oo dollar, sida ay sheegtay Hay’adda Iskaashiga Difaaca Amniga Mareykanka, oo bayaan soo saartay.

Hay’adda ayaa sheegtay in iibkan uu u adeegayo danta qaran, amni iyo dhaqaale ee Mareykanka, islamarkaana ay ku wargelisay Congress-ka.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha Zhao Lijian ayaa sheegay in Shiinaha ay ashtako rasmi ah oo arrintan ka dhan ah u gudbiyeen Washington.

Zhao ayaa intaas ku daray in Shiinaha ay ku booriyeen dowladda Mareykanka inay joojiso dhammaan hubka ay ka iibiso iyo xidhiidhka millatari ee ay la leedahay Taiwan, si looga hortago dhaawac kale oo gaara xidhiidha labada dal.

Taiwan ayaa sheegatay inay tahay dal madax-bannaan, halka Shiinaha ay u arkaan gobol ka tirsan.

REUTERS

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this