Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada gaarka ah ee Ciraaq oo gacanta ku dhigay hogaamiyaha ISIS ee badalay Al-Baqdaadi

Recommended Posts

Deeq A.   

Baqdaad (Caasimadda Online) – Ciidamada dalka Ciraaq ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigeen ninka la rumeysan yahay inuu badalay Hoggaamiyihii Kooxda Daacish Abu Bakar Al-Baqdaadi kaasoo lagu dilay howlgal ay ciidamada gaarka ah ee Marekanka ka fuliyeen Gobalka Idlib ee dalka Syria bishii October ee sanadkii hore.

Hoggaamiyaha ay sirdoonka Ciraaq sheegeen in gacanta lagu dhigay ayaa lagu magacaabaa Amir Mohammed Abdul Rahman Al-Mawli Al-Salbi kaasoo la baxay magaca Cabdul Naasir Qardash.

58362e14-3f9d-4419-aa5b-0afc63c8ce5e.jpe

Qardash ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa ninkii hoggaaminayey dagaalkii cuslaa ee Bishii February sanadkii 2019 ka dhacay Deegaanka Baquus ee dalka Syria.

Sirdoonka Ciraaq ayaa sheegay inay heleen xogta halka uu ku sugan yahay hoggaamiyahaan, sidaasna ay ciidamada Booliska weerar ugu qaadeen guri ku yaalo degmada Hawija ee Kirkuk oo dhacdo Waqooyiga Baqdaad isla markaasna ay suurta gashay in gacanta loogu soo dhigo isagoo watay aqoonsi been abuur ah oo lagu qoray magaca ah Shaclaan Cubeyd.

Naasir Qardash ayaa asal ahaan kasoo jeedo dadka Turkemenka Ciraaq ee ku nool Gobalka Telafar oo u dhow magaaladda Mosul ee Waqooyiga Ciraaq.

Illaa hadda kooxda Daacish kama aysan hadlin sheegashada Sirdoonka Ciraaq ee ah inay gacanta ku dhigeen hoggaamiyihii badalay Abu Bakar Albaqdaadi, mana jirto caddeymo muujinayo sheegashada Ciidamada Ciraaq.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this