Sign in to follow this  
Deeq A.

Waabari oo xalay tegtay Final-ka tartan aqooneedka Shabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Waabari ayaa noqotay degmadii 2-aad ee tegta Final-ka tartan aqooneedka Shabelle, kadib markii ay ka adkaatay degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir oo ay xalay isaga hor yimaadeen wareega afar dhamaadka ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Tartamayaasha degmada Waabari ayaa la yimid 10 dhibcood, halka Howlwadaag ay iyana keensatay 2 buundo oo kaliya, sida uu shaaciyey, Xasan Weli Sheekh Abuubabakar guddoomiyaha guddiga tartan aqooneedka shabakadda warbaahinta Shabelle.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in caawa la soo gabagabeyn doono tartanka, islamarkaana la qaban doono labo kulan oo u dhexeeya afar degmo ka wada tirsan gobolkaan Banaadir.

Kulanka ugu horreeya oo soo geli doono 8:00 habeenimo ayaa waxaa isaga hor imaan doono Wadajir iyo Howlwadaag oo u tartami doono kaalinta saddexaad ee sanadkaan tartan aqooneedka Shabelle, halka Hodan iyo Waabari ay isku hardin doonaan Final-ka tartanka, wuxuuna kulankooda soo geli doono 10:00h habeenino.

Taaba-gelinta sanadkaan tartan aqooneedka shabakadda warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this