Sign in to follow this  
Deeq A.

Beelihii ku dagaalamay Taaroge oo gaaray heshiis horudhac ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Deegaanka Taaroge oo ku yaalla galbeedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa ka dhaqan-galay xabad joojin la kala dhax-dhigay dhinacyadii dhowaan ku dagaalamay deegaankaas, kuwaas oo ka soo kala jeeda Galmudug iyo Puntland.

Taaroge ayaa waxaa gaaray mas’uuliyiin ka kala socotay maamullada Galmudug iyo Puntland, waxaana qayb ka ahaa Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, saraakiil, waxgarad iyo dhalinyaro, kuwaas oo halkaasi u tegay arrimo xal raadin ah.

Wadahadal muddo dheer qaatay kadib waxaa mas’uuliyiinta iyo waxgaradka labada dhinac ay ku guuleysteen in xabad joojin rasmi ah ay kala dhàx-dhigaan beelaha ku dagaalamay deegaanka Taaroge ee gobolka Mudug, waxaana loo saaray guddi labada dhinac ah oo ka shaqeyn doono soo afjarida colaada Taaroge oo marar badan soo noq noqotay.

Wararkii ugu dambeeyey ee haatan naga soo gaaraya deegaanka Taaroge ayaa waxaa ay sheegayaan in 24-kii saac ee la soo dhaafay xaaladda deegaanka ay aheyd mid degan, waxaana dib ugu soo laabanaya dadkii maalmo ka hor ka barakacay halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this