Sign in to follow this  
Deeq A.

Khayre oo guddoomiyey shir looga hadlayey xaaladda HirShabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay guddoomiyey shirka joogtada ah guddiga qaran ee xakameynta cudurka faafa ee Coronavirus, kaas oo looga hadlay arrimo dhowr ah.

Shirkaan ayaa intiisa badan waxaa diirada lagu saaray xaaladda deegaanada HirShabelle, gaar ahaan fatahaada webiga Shabelle uu ka sameeyey gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo shirka ka qeyb-galay ayaa ugu horreyn ka warbixiyey xaaladaha adag ee ka taagan deegaanada HirShabelle, gaar ahaan magaalada Beledweyne iyo deegaano ku dhow magaalada Jowhar oo uu ku fatahay webiga Shabelle.

Sidoo kale Madaxweynaha HirShabelle ayaa ka dalbaday dowladda federaalka inay xoojiso dadaallada ay ugu gurmaneyso shacabka ku dhibaateysan deegaanada maamulkiisa.

“Ra’iisul Wasaare Hassan Ali Khaire ayaa guddoomiyay shirka Guddiga Qaran ee xakameynta COVID19 oo  uu ka qayb galay madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare oo ka war bixiyay sida ay u socdaan dadaallada xakameynta Feyruska Karoona iyo gurmadka fatahaadaha.” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay xafiiska Khayre.

Xaaladda Beledweyne iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Sh/Dhexe ayaa maalmihii dambe laga deyrinayey, kadib markii uu ku fatahay webiga Shabelle ee mara halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this