Deeq A. Posted May 21, 2020 Qoyska madaxweynaha Suuriya oo isku jeestay Rami Makhlouf wuxuu baraha bulshada soo dhigay muuqaallo uu uga cabanayo sida loola dhaqmayo Rami Makhlouf, oo ah bilyaneer ka tirsan ehelka madaxweynaha dalka Suuriya Bashaar Al-Asad ayaa muddo hal bil ah baraha bulshada soo dhigayay muuqaallo uu uga hadlayo arrimo uu ka careysan yahay. Muuqaalkii ugu dambeeyay ee Axaddii uu shaaciyay ayaa laga arkayaa isagoo kaamirada indhaha ku taagaya, hoosna u hadlaya, oo aad xitaa moodid inuu xamxamleynayo marka uu sheegayo jumladaha qaar. Garkiisu wuu ka cadyahay sida uu ahaa markii uu awoodda ku lahaan jiray xukunka, hantida badanna uu ku dul fadhiyay, isagoo tirin jiray balaayiin lacag ah. Dhaqaalihiisa kama uusan keenin xukuumadda balse wuxuu ka helay qoyskiisa, oo dabcan isla dowladdiiba ah. Makhlouf waa maal qabeen aan waligiis laga cabsi qabin inuu sabool noqdo, arrintaasoo dhif ka ah dalka Suuriya, oo ay Qaramada Midoobay sheegtay in 80% ka mid ah bulshada waddanka ay faqri ku nool yihiin. Ku dhawaad 10 milyan oo shacabka dalkaas ka mid ah ma heystaan raashin ay cunaan oo ku filan, kala barkoodna waxay waayeen guryahoodii, dagaalka socda awgiis. Wuxuu ku nool yahay deegaan ay jecel yihiin dadka maalqabeennada ah ee reer Suuriya, kaasoo ku yaalla waddada ka baxda magaalada Dimishiq ee aadda dhinaca magaalada Bayruut ee dalka Lubnaan. Muuqaallada uu soo duubay Makhlouf waxaa laga arkayaa isagoo xiran jaakad u muuqata mid qaali ah, wuxuuna fadhiyaa meel ka mid ah gurigiisa Laakiin haddii waxa uu sheegayo ay dhab yihiin – isagoo isbuucanna muuqaalkii saddexaad shaaciyay – awooddii uu heystay way burburtay. Waxaa lagu sharfay inuu saami ku lahaado dhammaan heshiisyada gacansi ee ay gasho dowladda Suuriya, waana sababta dadka qaar ay ugu naaneysaan ‘ninka boqlkiiba shan qaata’ Xil ka qaadis kadis ah oo dhifna ah Rami Makhlouf waxay ilmo habreed koowaad yihiin madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad. Waa isku da’aad, waxayna ku jiraan 50-meeyo. The EU imposed sanctions on Rami Makhlouf in 2011, saying he “bankrolled” the Assad regime Sidoo kale waxay saaxiibbo soo ahaayeen ilaa yaraantoodii. Makhlouf wuxuu waligiisba garab taagnaa xukuumadda, mana dhici jirin inuu meelo fagaareyaal ah ama baraha bulshada uga hadlo arrimo khuseeya qoyska, siyaasadda ama xitaa ganacsiga. Wareysi uu sanadkii 2011-kii siiyay wargeyska New York Times, xilligii uu dagaalka billaabanayay, ayuu ku difaacay qoyska ay kasoo jeedaan isaga iyo madaxweyne Asad. Wuxuu wacad ku maray inay dagaallami doonaan ilaa dhammaadka. Hadalkaas wuxuu markii dmabe noqday, laakiin ballanqaadyadiisii waxaa ka mid ahaa inay mideysnaan doonaan. Hadda muuqaalladiisa waxaa laga fahmayaa inaysan taasi dhicin. Mid ka mid ah muuqaallada uu soo dhigay baraha bulshada waxaa laga arkayaa isagoo Alle ka baryaya inuu soo afjaro caddaalad darrada lagu hayo isaga. Dhammaan saddexda muuqaalka wuxuu eedeyn ugu jeedinayaa xukuumadda. Arrimaha uu sida gaarka ah uga hadlo waxaa ka mid ah xaq darrada laga galo dadka reer Suuriya ee ku jira xabsiyada. 3-dii bishan May, wuxuu yiri: “Madaxweynaheygiyoow, ciidamada ammaanka waxay billaabeen inay meel uga dhacaan xorriyadda shacabka. Dadka sidaas la yeelayo waa taageerayaashaadii.” Nolo tamashleyn ah Makhlouf wuxuu qaabilsanaan jiray howlaha dowladda ee la xiriira ganacsiga saliidda iyo dhismaha, laakiin shaqooyinka ugu waaweyn ee uu lacagaha badan ka heli jiray waxaa ka mid ah adeegga isgaarsinta dalka. Madaxweynahihii Suuriya Xaafid Al-Asad, xaaskiisa Anissah Makhlouf (oo fadhiya), iyo carruurtooda waxaa sawirkan laga qaaday 1985 Shirkadihiisa waxaa lagu eedeeyaa inaysan bixinin lacago canshuuro ah oo gaaraya $180m (£147m; 165m euros). Shaksi ahaan isaga lacagtaas agtiisa waxba kama aha. Xitaa wiilkiisa Mohammad, oo daggan magaalada Dubai ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay bilyaneer. Waxaa isasoo taraya warar badan oo sheegaya in Makhlouf uu hadda gabalkiisa dhacay. Calaamadihii ugu dambeeyay ee ismaandhaafka isaga iyo madaxweyne Aasad waxay soo baxeen xagaagii lasoo dhaafay, xilligaasoo lagu khasbay inuu albaabbada isugu dhufto shirkaddiisa isgaarsiinta ee Bustan, taasoo ay weerar ku qaadeen koox hubeysan oo ka kooban 20 ruux. Sheekaha ku saabsan khilaafka qoyska waxaa lala xiriirnayaa xaaska madaxweynaha, Asma Al-Asad, oo kusoo kortay magaalada London, loona arko inay awood weyn ku leedahay maamulka dowladda. Warar kale waxay sheegayaan in khilaafka uu salka ku hayo sida loo maareynayo xiriirka Suuriya iyo Ruushka. Warbaahinta Ruushka ayaa in muddo ahba hadal heysay musuqmaasuq ka jira dalka Suuriya. Suuriya wuxuu burbur xoog leh kasoo gaaray dagaal sokeeye oo socday ku dhawaad 10 sano. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites