Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo agaasime cusub u magacaabay hab-maamuuska Villa Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto kasoo baxday xaafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Agaasime cusub loogu magacaabay Hab-maamuuska Madaxtooyada Soomaaliya.

Agaasimaha hab-maamuuska Madaxtooyada ayuu Madaxweyne Farmaajo u magacaabay Yuusuf Xasan Salaan oo ah wiil dhalinyaro ah.

Yussuf Xasan waxa uu horay u ahaa Agaasime ku xigeenka Hab-maamuuska Madaxtooyada Soomaaliya, taas oo dhaxalsiisay in uu kasbado khibrad shaqo oo xoog leh, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa mar kasta ku faana in dowladda uu hoggaamiyo ay markasta muhiimad gooni ah siiso dhalinyarada firfircoon ee muhiimka u ah shaqooyinka dowladda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this