Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoor Qoor oo hal codsi oo deg deg ah usoo jeediyay FARMAAJO iyo KHEYRE

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmudug uu teleefon kula hadlay madaxda dowladda Soomaaliya islamarkaana uu usoo jeediyay dalab oo muhiim ah.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa madaxda dowladda ka dalbaday in muddo kooban Al-Shabaab looga saaro degmooyinka gobalka Galgaduud, taas oo ah arrin uusan ku filneyn maamulka Galmudug.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in sababta uu Dhuusamareeb u tagay taliyaha ciidanka Xoogga ay la xariirto arrintaas, islamarkaana dhawaan Al-Shabaab laga saari doono degmooyinka Ceelbuur, Ceeldheer, Galhareeri iyo deegaano kale.

Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalim Fiqi ayaa xalay Dhuusamareeb ka sheegay in muddo kooban gudaheeda Al-Shabaab looga xoreyn doono Galmudug, islamarkaana nolal iyo horumar la gaarsiin doono guud ahaan Galmudug.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa u muuqda mid ka faa’ideysanaya taageerada uu ka heysto madaxda ugu sareysa dalka, islamarkaana uu doonayo inuu wax ka qabto dhibaatooyinka Galmudug.

Degmooyinka la filayo in laga saaro Al-Shabaab ee gobalka Galgaduud ayaa qaarkood waxay Al-Shabaab joogaan muddo ka badan 10 sano, waxaana loo arkaa iney adag tahay sida looga saaro, halka warar kale sheegayaan in aysan Al-Shabaab laheyn awood ay ku dagaalamaan,  balse aanba la isku dayin in laga saaro.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this