Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliye Cali Gaab oo ka warbixiyey qarixii saaka lala eegtay gaarigiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha hoggaanka caafimaadka ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka warbixiyey qarax gaarigiisa saaka lagula eegtay agagaarka isgoyska Banaadir, degmada Hodan ee G/Banaadir.

Cali Gaab ayaa sheegay inta aan qaraxa lala eegan gaariga uu geeyey xafiiskiisa, kadibna uu darawalka u soo laabtay sarkaal kale, si uu u soo qaado, balse la qarxiyey.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey in qaraxaasi uu ku dhintay hal askari oo ka mid ahaa ilaaladiisa, sidoo kale ay ku dhaawacmeen saddex kale.

Al-Shabaab ayaa dhinaca kale sheegatay inay iyadu ka dambeysay qaraxaasi oo uu ka bad-baaday Cali Xirsi Barre (Cali Gaab), sida ay ku baahiyeen boggagooda Internet-ka.

Halkaan hoose ka dhageyso codka Cali Gaab.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-turki-.mp3

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this