Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh oo si adag uga hadlay kiiska badda ee Somalia & Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta warbaahinta ugu warramay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo ay dhageysigiisa markale dib u dhigtay ICJ.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in kiiska badda uu halkiisa taagan yahay, tan iyo markii uu baneeyey xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey DF Soomaaliya inay ka gaabisay dadaalkii looga baahnaa ee sii wadida dacwadda, islamarkaana 3 ka mid ah dadkii tiirka u ahaa kiiska badda meesha laga saaray, kuwaas oo kala ah, Muna Sharma, Axmed Cali Daahir iyo Cali Fiqi.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sidoo kale shaaciyey in illaa iyo hadda aan buuxin boosaska saddexdaasi qof oo laf-dhabar u ahaa dacwadda badda ee taallo ICJ.

Halkan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/xasan.mp3

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this