Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Federaalka Soomaaliya Oo Gargaar Caafimaad Soo Gaadhsiisay Gobollada Togdheer Iyo Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Badhan)-Wararka aanu ka heleyno Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in Garoonka diyaaradaha degmadaasi ay Maanta ka soo degtay diyaarad sida Gargaar Caafimaad oo kala duwan.

Diyaaraddan ayaa waxaa Badhan u dirtay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Gargaarkaas uu yahay mid iskugu jirta Daawo iyo qalabka lagaga hortego faafida Cudurka halista ah ee Coronavirus.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dorraad agab Caafimaad oo lagaga hortaga Cudurka halista ah ee COVID-19 soo gaadhsiiyay Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer.

Xukuumadda Somaliland ayaa iyadu illaa hadda aan wax gargaar caafimaad ah aan gaadhsiin inta badan gobollada Somaliland gaar ahaan gobollada bariga Somaliland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this