Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo dib u dhigtay Imtixaanka Shahaadiga ah sababa la xiriira Xanuunka COVID-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland ayaa Maanta oo Arbaco ah si rasmiya u shaacisay in dib loo dhigay Wakhtiga la gelayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland oo horay loo qorsheeyay 30-May 2020.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan oo lagu socod-siiyay Maamulayaasha Goobaha Waxbarashada iyo Mas’uuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo ayaa lagu sheegay in Imtixaanka Shahaadiga ah dib loo dhigay lana geli doono 27-June 2020.

Qoraalka Wasiirka ayaa lagu sheegay in kadib Qiimayn lagu sameeyay heerka uu marayo Xanuunka COVID-19 ay suurtagal noqon wayday in Imtixaanka Shahaadiga ah ku qabsoomo Wakhtigii hore loogu qorsheeyay oo ahaa 30-May2020 sidaasi darteedna la go’aamiyay in loo fariisto 27-june 2020.

Wasiirka ayaa ku boorriyay Maamulayaasha iyo Macallimiinta Dugsiyada in ay sii wadaan isticmaalka Hannaanka Waxbarista Casriga ah si ay u dhammaystiraan Manhajka Sannad-dugsiyeedka 2019-2020 islamarkaana ay raacaan Talooyinka Bahda Caafimaadka ee la xiriira ka hortagga Xanuunka COVID-19.

Imtixaanka.jpg?fit=1000%2C1294&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Puntland oo dib u dhigtay Imtixaanka Shahaadiga ah sababa la xiriira Xanuunka COVID-19 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this