Sign in to follow this  
Deeq A.

Webiga Shabelle oo fahaad hor leh ka sameeyey HirShabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Wabiga Shabeelle ee mara Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa uu fatahaad ka sameeyay degmada Mahadaay iyo tuulloyin dhowr ah oo hoostaga,kuwaas oo ay ka barakaceen dadkii deganaa.

Tuulooyinka uu Wabiga ka fatahay ee degmada Mahadaay ayaa waxaa kamid ah, Diinlaawe, Buurfuule,Shiidle Bari,Buulo Axmed, Kulmis iyo deegaano,kale,isla markaana dalagyo farabadan ay fatahaada baabi’isay.

Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe Saalax Fuleel Xaaji ayaa sheegay in dhammaan tuulooyinkaas iyo kuwo kale ay ka barakaceen dadkii ku noolaa oo uu fataahada saameeyey,isla markaana deegaano kale ay dhibaatooyin ku heystaan.

Waxaa uu sheegay in illaa iyo hadda Maamulka Hir-Shabeelle aysan jirin gurmad kasoo gaaray,sidoo kalena Madaxda Maamulka Hir-Shabeelle aysan jirin wax dadaal ah oo ay wadaan si loogu gurmado shacabka ay fatahaadu barakicisay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this