Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxtooyada Qaranka oo Lacago ciid ah guddoonsiisay Caruurta Wariyeyaashii Ku dhintay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyda Soomaaliya oo sanadkii seddaxaad oo xiriir ah lacago ciid ah ka caawinaya caruurta Agoonta ah ee ay ka tageen Wariyeyaashii ku dhintay Muqdisho ayaa Guddi ka socday Warbaahinta madaxa bannaan u wakiishay qeybinta lacagahaas.

Guddiga ka socday Warbaahinta Madaxa Banaan oo maanta fulinayay hawsha qeybinta lacagta ayaa xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya ku boggaadiyay garab isgtaaga ay u muujiyeen bahda Warbaahinta.

Guddoomiyaha Guddiga Warbaahinta Madaxbanaan ee fulinayay hawshan Mudane Cabdullaahi Cusmaan Faarx oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in caruurta Agoonta ah ee lacagta ciidda ah ay siiyeen ay tiradoodu gaareyso ilaa 86 caruura oo ka kala yimid 26 Qoys, kuwaas oo Aabayaashood geeriyoodeen iyaga oo Bulshadooda u adeegaya tan iyo sanadkii 2007.

Cabdullaahi Kulmiye Xirsi , Agaasimaha Universal TV ee Bariga Afrika ayaa Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada  uga mahadceliyay sida ay isaga xil saareen in laga warqabo Agoonta Wariyeyaasha iyo in joogteeyeen Sanadkii Seddaxaad oo xiriir ah.

Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure oo ka mid ah Guddiga Warbaahinta Madaxa Bannaan ee qeybinta lacagtaan loo wakiishay oo isna goobta ka hadlay ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la caawiyo Agoonta, si gaar ah in bahda Warbaahintu ay tusaale noqoto, isagoo ammaanay doorka Xafiiska Warfaafinta ee Madaxtooyada uu ka qaaday arrintaas.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this