Sign in to follow this  
Deeq A.

Webiga Shabeelle oo fatahaad xooggan ka sameeyay degmada Mahadaay

Recommended Posts

Deeq A.   
Fatahaad.jpeg?w=1000&ssl=1

Webiga Shabeelle ee mara Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa saacadihii la soo dhaafay fatahaad ka sameeyay degmada Mahadaay iyo tuulloyin dhowr ah oo hoostaga taasi oo keentay bara-kac xooggan.

Tuulooyinka uu Webiga ka fatahay ee degmada Mahadaay ayaa waxaa kamid ah, Diinlaawe, Buurfuule,Shiidle Bari,Buulo Axmed, Kulmis iyo degaano kale,isla markaana dalagyo farabadan ay fatahaada baabi’isay.

Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe Saalax Fuleel Xaaji ayaa sheegay in dhammaan tuulooyinkaas iyo kuwo kale ay ka barakaceen dadkii ku noolaa oo uu fataahada saameeyey,isla markaana degaano kale ay dhibaatooyin ku heystaan.

Waxaa uu sheegay in illaa iyo hadda Maamulka Hir-Shabeelle aysan jirin gurmad kasoo gaaray,sidoo kalena Madaxda Maamulka Hir-Shabeelle aysan jirin wax dadaal ah oo ay wadaan si loogu gurmado shacabka ay fatahaadu barakicisay.

PUNTLAND POST

The post Webiga Shabeelle oo fatahaad xooggan ka sameeyay degmada Mahadaay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this