Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo si toos ah gurmad Caafimaad uga dejisay Badhan

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah magaalada Badhan ka dejisay diyaarad sidda gargaar caafimaad oo loogu tala-galay ka hortagga iyo la tacaalidda xanuunka COVID-19.

Diyaaraddaas oo la qorsheeyay in ay shalay ka degto magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa dib u dhac kooban ku yimid kadib muran ka dhashay isku day  mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ay ku doonayeen in ay ku baajiyaan balse ay ka diideen madaxda dhaqanka gobolka Sanaag.

Saacadihii murankaasi socday ayaa keentay in wakhtigu u ciriiri ku noqdo diyaaradda islamarkaana dib loo dhigay maadaama Airport-ka Badhan aysan xilli habeen ah diyaaraduhu ku degin sidaasi darteedna maanta ayay halkaasi gaartay.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay si toos ah gurmad caafimaad u gaysay magaalada Buuhoodle ee gobolka Cayn iyadoo maantana gaysay magaalada Badhan waxaana la filayaa in ay bilow u noqdaan gargaar caafimaad oo dowladda Federaalku si toos ah u gayn doonto degmooyinka ka tirsan Sool Sanaag iyo Cayn.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo si toos ah gurmad Caafimaad uga dejisay Badhan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this