Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir FIQI oo shaaciyey in Galmudug ay yeelaneyso ciidamo gaar ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay inay ku howlan yihiin sameynta ciidamo gaar ah oo ay yeelaneyso Galmdug, kuwaas oo isugu jira Boolis iyo Daraawiish.

Fiqi ayaa tilmaamay inay haatan wadaan diyaarinta sharciga lagu aas aasi lahaa ciidamadaasi, si ay Galmudug u sugato amniga deegaanadeeda.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aan laga maarmi doonin wixii iskaashi iyo caawimaad oo dhinaca dowladda ah,  inta laga dhisayo Booliska Galmudug.

“Booliska Galmudug sharciga lagu aas aasayay waa soo wadnaa isagaa kow ka ah, Galmudug inay Booliskeeda, amnigeeda iyo daraawiishteeda ay yeelato, dowladda federaalka waa soo gurmatay Ciidamada jooga oo dhan dowladda federaalka raacsan yihiin, biyo sacabadaada looga dhargaa inaan Booliskeena iyo ciidankeena aas aasano, ciidanka dowladda federaalka iskaashi iyo caawinaad meelaha aan dabooli weyno maadaama dhaqaale nagu filan ayaamaha hore aanan heysan ayay noqoneysa, laakiin shaqo adag ayaa taalla, la xisaabtan dhab ayaa ogolnahay, baarlamaan waa ka soo shaqeynay”ayuu yiri wasiirka cusub ee amniga dowlad goboleedka Galmudug.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan ciidamo fara badan oo heer federaal ah ay ku sugan yihiin Galmudug, kuwaas oo badi la geeyey xilligii doorashada, kadib markii laga qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Deegaanada Galmdug sidoo kale waxaa xilligan ku xoogan deegaanada qaar Al-Shabaab, kuwaas oo gacanta ku haya magaalooyin muhiim u ah maamulkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this