Sign in to follow this  
Deeq A.

Hodan oo u gudubtay final-ka tartan aqooneedka Shabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Degmada Hodan ayaa xalay u gudubtay Final-ka tartan aqooneedka Shabelle, kadib markii ay ka adkaatay dhiggeeda degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Labada degmo oo dadaal badan soo muujiyey, tan bilowgii barnaamijka ayaa waxa ay guushu raacday Hodan oo noqotay degmadii ugu horreysay ee tega Final-ka tartanka.

Wadajir oo laga badiyey ayaa la timid 2 dhibcood, halka Hodan oo guusha la hoyotayna ay keensatay 6 buundo, sida uu shaaciyey, Xasan -Weli Sheekh Abuubakar.

Dhinaca kale waxaa caawa tartanka ku ballansan degmooyinka Howlwadaag iyo Waabari oo ka wada tirsan gobolka Banaadir.

Degmada guuleysata sidoo kale waxa ay iska xaadirin doontaa Final-ka, iyada oo ay isku dhici doonaan degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Taaba-gelinta sanadkaan tartan aqooneedka shabakadda warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this