Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Puntland oo qaraxyo ku soo bandhigay Boosaaso + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Booliska gobalka Bari ee maamulka Puntland oo kaashanaya kuwa sida gaarka ah u tababaran ee PSF ayaa howlgal ay sameeyeen waxa ay kusoo qabteen qaraxyo nooca dhulka lagu aaso ah, kuwaas oo ay sheegeen in la doonayey in dadka lagu dhibaateeyo.

Howlgalkaan oo ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa saraakiisha hoggaamineysay waxa ay sheegeen in qaraxyadan ay doonayeen Al-Shabaab iyo Daacish inay ku aasaan goob ay dadka isugu yimaadaan oo ku taalla bartamaha Boosaaso.

Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Bari G/sare Xusseen Cali Maxamuud ayaa sheegay inay hayaan gaarigii ay wateen ragii ku howlanaa diyaarinta Qaraxyadaasi.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ay wadaan baaritaan ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa raggii watay qaraxyadaasi oo goobta ka baxsaday si ay u maxkamadeeyaan.

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa dhowr jeer oo hore waxaa lagu soo bandhigay waxyaabaha qarxa iyo raggii waday, iyada oo sidoo kale qaraxyo ka dhacay ay mas’uuliyadooda sheegteen Al-Shabaab.

Halkaan hoose ka daawo sawirrada:-

2-11 3-8 4-4 1-11

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this