Sign in to follow this  
Deeq A.

Tirada Dadka Cudurka COVID-19 Ugu Dhintay Somaliland Oo Korodhay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa Maanta markale soo Bandhigtay natiijada kasoo baxday dad laga baadhay Cudurka COVID-19, kuwaas oo lagu sameeyay baadhitaano kala duwan.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay Cudurka laga helay laba qof, kadib baadhitaano kala duwan oo lagu sameeyay lagu ogaaday inay qabaan Cudurka.

Laba qof ee laga helay Cudurka ayaa kala ah rag iyo dumar, kuwaasi oo da’dooda ay u dhexeeyso 30 illaa iyo 40 jir, isla markaana waxaa ay ku sugan yihiin Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu xusay in hal qof uu Cudurka ugu geeriyooday halkaas, kaasi Nin ah da’diisuna ahayd 65jir kuna noolaa Magaalada Boorama, isagoona kamid ahaa Bukaanada Cudurka la jiifa.

Tirada guud ee Cudurka COVID-19 laga helay deegaanada Somaliland ayaa gaadhay 142, waxaana Cudurka halkaas ugu geeriyootay 11 qof, halka ay Cudurka ka bogsatay dhowr qof.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this