Sign in to follow this  
Deeq A.

AMISOM oo madaafiic ku garaacday xaafado ay dad SHACAB ah deggan yihiin

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ay madaafiic ku garaaceen deegaanka Shalanbood ee gobolkaasi, gaar ahaan xaafado ay dagan yihiin dad rayid ah.

Guddoomiyaha deegaankaasi, Nuur Cismaan Raage oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay duqeeyeen gudaha  deegaanka, kadib markii qarax miino halkaasi lagula beegsaday kolonyo ay wateen.

Raage ayaa tilmaamay inuu jiro khasaare kala duwan, balse ay haatan wadaan baaritaano ku aadan dhacdadaasi, dibna ay faah faahinta ka bixin doonaan.

Shalanbood oo ka mid ah deegaanada muhiimka ah ee gobolka Sh/Hoose ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada milatariga Soomaaliya, iyadoona aan la ogeyn sababta ay AMSIOM hoobiyeyaasha ugu garaacday deegaankaasi oo shacab badan ay ku nool yihiin.

Inta badan ciidamada AMISOM ayaa waxaa dhibaato xoogan ay u geystaan dadka rayidka ah, markasto oo qaraxyo lala eegto, iyaga fura rasaas aan loo meel dayin.

Gobolka Shabeelaha Hoose oo uu ka socda howlgalka ugu ballaaran ee ka dhanka Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu weeraraa ciidamada huwanta xilliyada ay isaga kala gooshayaan deegaanada kala ee gobolkaasi oo ay weli ku xoogan yihiin Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this