Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Cali Gaab oo ka sheekeeyey siduu uga bad-baaday qaraxi lagu dili rabay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo ka mid ah saraakiisha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyey qarax gaarigiisa saaka lagula eegtay agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Cali Gaab oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa sheegay in gaariga qaraxa lala eegtay oo ahaa Toyota Hilux (Qooqan) uu geeyey xafiiskiisa shaqada, kadibna gaariga uu soo laabtay, isagoo doonayey inuu soo qaado sarkaal kale, balse la qarxiyey.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu caafimaad qabo, islamarkaana uu aad uga xun yahay dhacdadaasi.

Jeneraal Cali Gaab ayaa sidoo kale xaqiijiyey in qaraxaas uu ku dhintay mid ka mid ah ilaaladiisa oo uu magaciisa ku sheegay Xamze Xasan Axmed, sidoo kale ay uga dhaawacmeen saddex askari oo kale, isaga oo u rajeeyey caafimaad deg-deg ah.

Xaaladda meesha uu qaraxu ka dhacay ayaa haatan degan,waxaana si caadi ah ku soo laabtay dhaq dhaqaaqa isku socodka dadka iyo gaadiidka intaba.

Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaan, sida lagu shaaciyey war goor dhow ay ku shaacisay baraha bulshada ee Internet-ka.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/05/Cod-Taliye-Cali-Gaab.mp3

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this