Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Qoor Qoor oo ka warbixiyay Qorshayaashiisa ugu muhiimsan

Recommended Posts

Deeq A.   
Qoor-Qoorka.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1Madaxweyne Qoor Qoor

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo xalay hadal ka jeediyay Magaalada Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay Arrimaha ugu muhiimsan ee u qorshaysan in uu wax ka qabto.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sheegay in uu muhiimadda kowaad siin doono soo celinta Amniga iyo Xasiloonida Galmudug gaar ahaanna Cirib-tirka iyo La-dagaallanka Malayshiyaadka Al-shabaab ee weli ku sugan Degaanno ka tirsan Galmudug.

Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ballan-qaaday in uu gudaha Dowlad Goboleedka Galmudug ka ilaalin doon isku dhacyada Qabiilada iyo dilalka la xiriira aanooyinka Reer Guuraaga si loo xaqiijiyo Nabadgelyada Shacabka.

Sidoo kale wuxuu ballan-qaaday in uu sii wadi doono Dib-u-heshiisiinta iyo Midnimada Shacabka Galmudug islamarkaana uu wada-hadal iyo tanaasul u muujin doono cid kasta oo wax ka tabanaysa Maamulkiisa waase haddii Tabashooyinkaasi sax yihiin.

Halkaan ka daawo Khudbaddiisa

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Qoor Qoor oo ka warbixiyay Qorshayaashiisa ugu muhiimsan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this