Deeq A. Posted May 20, 2020 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax saaka ciidamo ka tirsan kuwa dowladda lagula eegtay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdsho. Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa inuu ahaa nooca miinada ee meelaha fog-fog laga hago, sida ay Shabelle u sheegeen dad goobjoogayaal ah. Khasaare kala duwan oo soo gaaray askartii saarneyd iyo dad shacab ah ayaa jira, balse lama oga inta uu la’egyahay. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amniga oo hakad galiyey dhaq dhaqaaqa isgoyskaasi, mana jiro weli wax faah faahin ah oo laga bixiyey qaraxaasi miino. Al-Shabaab ayaa inta badan weeraradan ceykan oo kale ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan gudaha magaalada Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites