Sign in to follow this  
Deeq A.

Laamaha Amniga Puntland oo fashiliyay Qarax lagu aasayay Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Bari oo kaashanaya Ciidanka PSF ayaa xalay fashiliyay Qarax nooca dhulka la geliyaa oo ay aasayeen kooxo looga shakisanyahay Al-shabaab iyo Daacish.

Qaraxaas oo la doonayay in lagu aaso bartamaha Magaalada Boosaaso ayaa ciidamadu ku guulaysteen in ay gacanta ku dhigaan ka hor intaan la aasin balse waxa goobta ka baxsaday Kooxdii Qarax wadday.

Qoraal ka soo baxay Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Bari ayaa lagu sheegay in kooxdii Qarax sidday oo looga shakisanyahay Al-shabaab iyo Daacish ay goobta ka baxsadeen balse gacanta lagu dhigay Gaarigii ay wateen.

Taliska ayaa sidoo kale sheegay in ay wadaan baaritaan ku aaddan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa  raggii watay Qaraxa iyo Gaariga oo Magaalada ku dhex fakaday kadib markii la fashiliyay Qorshahoodii.

4-3.jpg?w=1000&ssl=1 3-3.jpg?w=1000&ssl=1 2-4.jpg?w=1000&ssl=1 1-8.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Laamaha Amniga Puntland oo fashiliyay Qarax lagu aasayay Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this